Posts

Caqliyadda Shucuurta (Emotional Intelligence)

Image
  Caqliyadda Shucuurta (Emotional Intelligence) Caqliyadda shucuurtu waa nooc caqli ah oo u gaar ah shucuurta ama dareemayaasha nafsiga ah ee dadka. Waa caqliyad ku dhisan in aad is-fahanto shucuur ahaan, dadka kalana aad fahanto shucuurtooda, deedna aad maarayso. Waa caqliyad la yiraahdo waxa ay ka sii muhiimsan tahay caqliyadda aynu wada naqaan ee maanka - mental intelligence (Intelligence Quotient = IQ). Sidoo kale caqliyadda shucuurtu waa mid leh moodeello lagu cabbiro, sida ay caqliyadda maankuba u leedahay cabbir - waxaa loogu yeeraa "Emotional Quotient = EQ". Sida ay dadku u kala "IQ" sarreeyaan oo kale ayay u kala "EQ" sarreeyaan. Khasab ma ahan in ay wada socdaan, qof "IQ"-giisuu sarreeyo ayaa "EQ"-giisu hoosayn karaa, bilcaksiguna waa suurtagal. Eraygaan "emotional intelligence" markii ugu horreysay taariikh ahaan waxaa loo tiiriyaa qoraal cilmibaaris ahaa (research paper), oo uu qoray nin la oran jiray Michael Bel...